Masjidka Tawfiiq
Xiliga salaada maanta 28 Agoosto: [Fajri: 4:32] [Duhur: 13:29] [Casar: 16:56] [Makhrib: 20:40] [Cishe: 21:55]

Taariikhda TIC oo kooban

Sida la ogsoon yahay Somalidu waxay wadankaan Norway soo galeen sideetamaadkii. Markii eey halkaan yimaadeen maysan heysan goob cibaado oo gaaar u ah iyaga. Waxeyna bilaabeen iney ku cibaadaystaan goobo kala duwan, goobahaas oo ay marti ku ahaayeen.
Kadib markii eey arkeen culumaddii iyo waxgaradkii Soomaliyeed ee xilligaas joogay inaysan baahida dadka ku filneyn mowlacyo yaryar oo lagu kala tukado, ayaa loo baahday in dadka la iskugu keeno xarun guud oo u gaara, baahidooda dhanna daboosha sidaas ayaana lagu asaasay Towfiiq Islamisk Senter.

Waxaa Masjidka la asaasay 1989. Muddadaas uu dhisnaa Masjidku wuxuu soo degay 8 goobood 1989--1997. Sababta ugu weyn guuritaanka badanina waxeey ahayd: Masjidka oo aan haysan goob hanti u ah iyo booska oo aan ku filneyn waxqabadka Masjidka iyo xubnihiisa.

Copyright © All rights reserved Lasoo xiriir: webmaster@tawfiiq.no